Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axadda maanta ah gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleeda Hirshabeelle.
Wafdiga oo ay kamid yihiin Xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle kuwooda ku sugan Magaalada jowhar, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar, waxaana laga dareemay guud ahaan magaalada safarka uu ku tegay Sheekh Shariif , kaas oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed oo dhawaan dalka ku soo noqday, kaddib safaro uu ku tegay dalalka Imaaraadka iyo Kenya ayaa safarkiisa maanta magaalada Jowhar waxa uu ku soo aaday xilli ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, balse uusan wax door ah ku laheyn.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





