Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

Dagaal beeleed khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay G/Sool

Sool (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya, in dagaal beeleed oo khasaare geystay uu ka dhacay deegaanka Ari-Cadeeye ee gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay beello walaalo ah,

Dagaalkan oo uu dhexmaray maleeshiyaad hubeysan oo kasoo wada jeeda deegaanka Ari-Cadeeya ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca tiro kale oo kamid ah dhinacyada dagaallamaya.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil iyo dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degaanka Ari-Cadeeye ee gobolka Sool.

Ciidanka Somaliland oo kasoo baxay magaalada Laancaasnood ayaa ku wajahan deegaanno ka tirsan kuwa lagu dagaallamay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaadda deegaanka Ari-cadeeye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaranews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...