Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Madaxweynaha Galmudug oo baaq deg-deg ah u diray Madaxda Puntland & Jubbaland

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay muhiimadda furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareb3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan.

Madaxweynuha Galmudug ayaa waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyn, raja ka muujiyey shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...