Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Dad isku qoys ah oo lagu dilay duleedka degmada Dhoobley

Dhoobley (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa waxa ay xalay laba qof oo Shacab ahaa ay ku dileen duleedka Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, kadibna goobta isaga baxsaday.

Labada qof ee la dilay oo ahaa dad isku qoys ah ayaa kooxaha hubeysan ay ugu tageen guryahooda, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku baxay halka uu dilka ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan kooxihii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay deegaanno hoosyimaada degmooyinka Dhoobley Afmadow iyo degaanka Gariley waxaa kajiray colaad Beeleedyo, waxaana habeen ka hor deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilay hal qof, halka laba kalena loogu dhaawacay.

Si kastaba, maamulka Jubbaland ee ka arrimiya deegaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaan weli ka hadlin dilalkaas, iyada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay degaannada Gobolkaas kusoo laab laabteen colaad Beeleedyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...