Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo dowlad dhiska.
Xasan Sheekh ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka warbixiyay waxyaabihii uu ku soo arkay booqashadii uu ku tagay xeryaha barakacayaasha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay aad ugu xanuunsadeen ugana damqadeen dhibaatooyinka ba’aan ee haysta dadka ka soo barakacay abaarta.
Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynuhu xusay, inay dhibaatada inteeda badani sababtay kooxda Al-shabaab, isagoona hoosta ka xariiqay, inaysan ka dowlad ahaan iyo shacab ahaanba tabar u waayin, balse ay jiraan qaladaad, isla markaana la sixi doono si loo helo Soomaali heshiis ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





