Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Uhuru Kenyatta: Waxaan ka hortagnay weerarradii badnaa ee Al-Shabaab

Nairobi (Halqaran.com) – Uhuru Kenyata, madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo muddadii ay jirtay ay mudnaanta koowaad siiyay dhinaca sugida Amniga iyo Gaashaandhigga si loogu guuleysto Amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa hoggaanka dalka Kenya qabtay sanadkii 2013-kii wuxuu sheegay inay dadaal geliyeen sugidda amniga xuduudaha wadanka, taas oo keentay inay yaraadaan weeraradii ay Al-Shabaab uga qaadi jireen meelo kamid ah Gudaha Soomaaliya.

”Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay Kooxaha Argagaxisada ah‘‘ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhammaan siweyn loo qalabeeyay Ciidamada Ammaanka dalkiisa si ay uga falceliyaan caqabadaha iyo qatarrada soo foodsaara, isla markaana ay fursad u heleen in Kenya ay ka mid noqoto xubnaha golaha ammaanka ee qaramada Midoobay

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin ay kujirto Magaalada Nairobi, halka sidoo kale mararka qaar weeraraan Saldhigyada Ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka ATMIS ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...