Palestine (Halqaran.com) – Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa sheegaya in dhimashadu mareyso 20 ruux, halka dhaawacuna gaarayo 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar.
Ugu yaraan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna Masjidka Al-Aqsa.
Golaha Amniga Qaramada Midoobey oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darreystay in ay qaraar mideysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Mareykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





