Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kambaala ee Caasimadda dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha dalka Uganda mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah madaxda caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulan la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qeyb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Jamaal Maxamed Xasan, marwada koowaad ee dalka marwo Seynab Cabdi Macallim, lataliyeyaasha madaxweynaha iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





