Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Xubin kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo maanta lagu qabtay Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ka soo qabteen nin kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal maanta ay Ciidamada NISA ka sameeyen Degmada Hawlwadaag, ka dib markii ay helayn xogta ku aadan halka uu ku sugan yahay.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa waxaa dhanka kale la leeyahay waxaa uu maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Warbaahinta, gaar ahaan baahinta ficilada guracan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ninka ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab loo ka xeeyay xarumaha ay Hay’adda Nabad Suggida ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hawlgalka lagu soo qabtay ninkan ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, xilli hawlgal kale oo habeenkii Isniinta laga sameeyay Degmada Yaaqshiid lagu soo qabtay nin kale, oo Shabaabka u qaabilsanaa samaynta qaraxyada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...