DHAGEYSO: 40 qof oo muhaajiriin oo ay Soomaali ku jirto oo ku dhinatay badda Liibiya + Wareysi

Tahriibayaal la soo badbaadiyay, iyagoo xaaladd adag ku jira /Sawir hore/ Photo:AP

Libya (Halqaran.com) – Ilaa 40 qof oo muhaajiriin ah ayaa la la’yahay in kastoo laga cabsi qabo inay dhinteen kadib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay badda Medhitareeniyaanka habeenkii Talaada ee 27-ka Augast.

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan hal qof oo Soomaali ah, inta la xaqiijiyey, waxaase suurta-gal ah inay intaas ka badan yihiin.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa masiibadaasi ka wareyatay, Xuseen Yuunis Xasan oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee dalka Libya. Hoos ka dhageyso wareysiga:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com