Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xaaf oo ka hor yimid qaabka ay DF Soomaaliya ku dhiseyso Galmudug, kuna dhawaaqay arrin arrin aan laga fileyn!

Hobyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Xaaf oo ka hadlayay magaalada Hobyo ayaa shaaca ka qaaday, in ay wali jirto rajo wanaagsan oo dib loogu dhisi karro Galmudug.

Mr. Xaaf ayaa sheegay, in waxa ka socda magaalada Dhuusamareeb aysan aheyn wadiiqadii rasmiga ahayd ee dhismaha maamul laysku raacsan yahay.

Madaxweynaha Galmudug, oo horey u cadeeyey in uu dawladda Soomaaliya ku wareejiyey arrimaha Galmudug ayaa hadda ciyaaraya xaalad kale oo cusub, waxaana muuqata in uu kasoo horjeestay damaca dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

Wuxuu ku sifeeyey shirka Dhuusamareeb tababar ama Isminaar loo qabanayo Odayaasha dhaqanka, balse uusan marnaba aheyn kii saxda ahaa, isagoo sheegay in aysan Galmudug dan u aheyn wixii kasoo baxaa.

Sidaas oo kale, wuxuu horey u taageeray dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo sheegay in ay ahayd doorasho xalaal ah oo laga dheereeyey faragalinta kooxda uu ku tilmaamay in ay dhib ku hayso Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa hadda u muuqda in uu ka xariir furtay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya xogo sheegaya in ujeedooyinka ugu waa weyn ee diidmadisa waqtigan keenay ay ka mid tahay markii ay soo baxeen xoogag wali loolan adag kaga jira arrimaha Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...