Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Tallaadadii maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.
Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.
Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu ku saleysan yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaa Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com