
Badhan (Halqaran.com) – Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Badhan ayaa sheegay in buuq ay kataagan tahay dhismaha Golaha Deegaanka degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, kaasoo kalifay in ay koox dad ah qabsato halkii galabtay lagu qaban lahaa kulanka dhaarinta Xildhibaanada deegaanka.
Tiro ka badan 8 Wasiirro oo ka socda dowlad goboleedka Puntland ayaa ku sugan, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaana ku eedeynaya in aysan hab Cadaalad ah u qeybinin xubnaha, lana reebay shaqsiyaas watay saxiixa rasmiga ah ee beelahooda.
Ilo xog ogaal ah oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in xaaladdu ay adkaatay markii ay dabley hubeysan sheegeen in ay qabsanahaan Hoolka Jaamacadda Maakhir oo ahayd halka ay ka dhici lahayd doorashada waraaqaheedii la qeybiyey.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo howshan waday ayaa xariiro aan la sameynay ayaysan noo suuragalin in aynu helno, kadib markii ay ka jawaabi waayeen telfoonadooda gacanta.
Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa ku eedeynaya xukuumada iyo Wafdiga ka yimid Garoowe, in ay doonayaan in la doorto Musharrax ay wataan, taasoo ay ka soo horjeesteen dadka qaarkood, sidaas oo kale Liiska ayay sheegen in aysan ku qanacsaneyn.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com