Thursday, June 25, 2026
25.4 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Khilaaf adag oo ka taagan Badhan, Wasiirro ku sugan & maleeshiyaad hubeysan oo is-hortaagay doorashada.

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag / Sawirka Google

Badhan (Halqaran.com) – Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Badhan ayaa sheegay in buuq ay kataagan tahay dhismaha Golaha Deegaanka degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, kaasoo kalifay in ay koox dad ah qabsato halkii galabtay lagu qaban lahaa kulanka dhaarinta Xildhibaanada deegaanka.

Tiro ka badan 8 Wasiirro oo ka socda dowlad goboleedka Puntland ayaa ku sugan, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaana ku eedeynaya in aysan hab Cadaalad ah u qeybinin xubnaha, lana reebay shaqsiyaas watay saxiixa rasmiga ah ee beelahooda.

Ilo xog ogaal ah oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in xaaladdu ay adkaatay markii ay dabley hubeysan sheegeen in ay qabsanahaan Hoolka Jaamacadda Maakhir oo ahayd halka ay ka dhici lahayd doorashada waraaqaheedii la qeybiyey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo howshan waday ayaa xariiro aan la sameynay ayaysan noo suuragalin in aynu helno, kadib markii ay ka jawaabi waayeen telfoonadooda gacanta.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa ku eedeynaya xukuumada iyo Wafdiga ka yimid Garoowe, in ay doonayaan in la doorto Musharrax ay wataan, taasoo ay ka soo horjeesteen dadka qaarkood, sidaas oo kale Liiska ayay sheegen in aysan ku qanacsaneyn.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...