Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay G/Hiiraan iyo Al-Shabaab oo dad shacab ah ku laayay & Wararkii ugu dambe…

Hiiraan (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa Shan ruux ku dilay deegaan lagu magacaabo Duufaamo, oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday fiidkii xalay deegaankaas, oo ay maamulaan dagaalyahanada Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle.

Shanta qof oo ay dileen Al-Shabaab, ayaa seddax ka mid ah waxay Macawiisley halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maamulidda deegaankaas ayaa muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab, balse wararka aynu saaka helayno ayaa sheegaya inay iskaga baxeen, kaddib dhaq-dhaqaaqyo kasoo wajahay dhinaca dagaalyahanada Macawiisley.

Weerarka ay Al-Shabaab ku dileen dadkaas gaaraya shanta ruux ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay gobolka Hiiraan ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybtooda Itoobiya oo la sheegay inuu u dhamaaday waqtigii howlgalkooda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa baneeyay saldhigyo ay ku la haayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Majiraan ciidamo lagu badalay oo dagay saldhigyadii ay ka guureen, waxaana shalay xaflad sagootin ah ciidamadaas loogu sameeyay magaalada Beledweyne.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...