Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Agaasime Madaxtooyo oo Al-Shabaab isku dhiibay!, (Maxaa ku kalifay arrintaan) + Magaciisa.

Agaasimihii Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle ee Al-Shabaab isku dhiibay!

Hiiraan (Halqaran.com) – Warbaahinta maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle oo Al-Shabaab isku dhiibay.

Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi) ayaa ururka Al-Shabaab waxa ay ku soo bandhigeen deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxa uuna sheegay muddo saddex bilood inuu ahaay Agaasimaha Madaxtooyadda Hirshabelle, islamarkaana uu maamulaayay hanaanka shaqada Madaxtooyadda.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Hirshabelle ayaa sheegay gabi ahaanba inuu isaga baxay Siyaasadda sidaasina uu Shabaab isugu dhiibay.

Saddex bil ayuu haayay xilka Agaasimaha Madaxtooyadda Hirshabelle, ugu dambeyna Shabaab ayuu isku dhiibay.

Tani ayaa noqoneysa, markii ugu horeysay oo shaqsi soo qabta xilka Agaasimaha Madaxtooyadda Hirshabelle uu isku dhiibo Ururka Al Shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...