DAAWO SAWIRRO: Wafdi ka socda DF Somaliya oo aqoon-kororsi ugu soo gabagaboobay dalka Jarmalka & Jaaliyadda Somalida Hamburg oo..

Hamburg (Halqaran.com) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hamburg ayaa kulan sagootin ah u samaysay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo mudo 8 casho ah ujoogay Jarmalka aqoon kororsi laxiriira sidii loo derder gelin lahaa mashruuc sare loogu qaadayo barashada xirfadaha ee dalkeena oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo Jarmalka.

Wuufuudaan ka socotay dowladda Soomaaliya ayaa ka koobnaa 12-xubnood oo ka kala socday Gobolka Banaadir, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Rugta Ganacsiga, iyo Ururada Shaqaalaha ee Festo, waxaana hogaamninaysay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta ee gobolka Banaadir Basro Caamir Shakeeti.

1-da bishii Nofeembar ee sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii Xarunta Dibloomaasiyadda ee Midowga Yurub ee magaalada Muqdishu, uu ka dhacay heshiis u dhaxeeyey Midowga Yurub oo kaashanaya Jarmalka iyo Dowladda Soomaaliya. heshiiskaasi oo ahaa mashruuc dib loogu soo nooleynayo farsamada iyo tababarada dhanka xirfadaha ee Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa dhalinyarada loogu abuurayaa fursado ay ku baranayaan xirfado kala duwan iyagoo wata waxbarashadooda iskuulaadka iyo jaamacadaha, si loo helo dhalinyaro ka dhisan xaga aqoonta iyo  xirfadaha, hanaankan oo afka qalaad lagu layiraahdo duelsystem ayaa waxaa ku dhaqma dowladda Jarmalka oo kamid ah dowladda ugu horeeya xaga farsamada gacanta dunida.

Mashruucaan xirfadaha ee TVET waxaa ku baxaaya lacag dhan 13 milyan yuuro, iyadoo 8 milyan oo yuuro oo kamid ah lacagtaasi uu ku tabaruucay midowga Yurub halka 5 milyan oo Yuurana uu ku taageertay Wasaaradda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga ee Dowladda Jarmalka (BMZ).

Ujeedada Mshruucan ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa shaqo abuurka dalka iyo shaqaalaysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyada oo loo marayo tababar xirfadeedyo kala duwan oo labaraayo dhalinyarada, waxaana si gaar ah uu mashruucaan fursad usiin doonaa haweenka oo ah kuwa ugu badan ee aan heln fursad waxbarasho, Mashruucan waxaa fulinaya hay’adda horumarinta Jarmalka ee GIZ (Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit) waxaana laga fulinayaa guud ahaan Soomaaliya.

Wajiga ugu horeeya waxaa la hirgelin doonaa 4 xarumood oo waa wayn oo loogu tala galay barashada xirfadaha kuna baahsan guud ahaan Soomaaliya si loo horumariyo barnaamijyada xirfadaha suuqa shaqada iyadoona lagu tababari doono 3500 arday ah, waxaana xaruuntii ugu horeysay oo dhanka tababarada ah laga furay magaalada Barbara ee xaruunta gobolka Saaxil.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Jarmalka ay soo gaaraan wafdi ka socda Somaliland oo iyagana ka qayb gali doona aqoon kororsi laxiriira sidii loo derder gelin mashruucan sare loogu qaadayo barashada xirfadaha ee ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo Jarmalka, waxaana xigi doona wafdi kale oo ka socda Puntland.

Weriye Axmed Somali
Xafiiska Halqaran.com, Hamburg
Halqarannews@gmail.com