Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Xaaf oo safar aan horey loo shaacin maanta ku tagay Hobyo + (Ogow Ujeedka Safarkiisa)

Hobyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socda ayaa Maanta socdaal aan horay loo sii shaacin waxaa ay ku tageen Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug, iyaga oo ka mababaxay Magalada Muqdisho.

Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo, waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Ujeedka safarka Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa waxaa lagu sheegay, si uu uga qeyb-galo shirka ay Magalada Hobyo ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo gebagabeeyo.

Xafiiska Halqaran.com, Gaalkacyo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...