Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay banaanbaxyo Ahlu Sunna iyo DF Somaliya lagu kala taageerayo ee ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ka dhacay laba Banaanbax oo iska soo horjeeda.

Banaanbaxyada ayaa waxaa dhigaayay dad kala taageersan dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ahaay Ahlu Sunna, waxaana ka mid ahaay Eraydaasi “ Dowlad diid dooni mayno”.

Sidoo kale dadkii taageersanaa Ahlu Sunna ayaa dhankooda ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Federalka Somaliya.

Intii Banaanbaxyada ay socdeen ayaa Ciidamada Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb waxa ay kala eryeen dadkii Banaanbaxyada dhigaayay.

Waxaa iminka deggan Xaaladda Dhuusamareeb, waxaana socda Shirar kala duwan oo Magaalada gudaheeda ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...