Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo daah-furay madasha habeenka haweenka Puntland

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland.

Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeen Puntland ayaa sheegay in Haweenka Puntland ay door muhiim ah kasoo qaateen dhismihii iyo illaalinta Puntland, Madashana uu ka rajeynayo inay sii dardargeliso doorka haweenku ay leeyihiin dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Bulshada.

Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda, Ururada kala duwan ee Haweenka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...