Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo digniintii ugu cusleyd u dirtay shirkadaha Shisheeye ee ka howlgala dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay digniin u jeedisay shirkadaha shisheeye ee dalka ka hawlgala, gaar ahaan kuwooda sida sharci darrada ah dalka uga shaqeeya.

Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta sheegay inay jiraan shirkado sifo aan sharci ahayn dalka uga hawlgala, isagoona uga digay inay ka waan-toobi waayaan.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ajaaniibta ah, ee sida sharci darrada ah dalka uga hawlgala.

“Tallaabo ayaa laga qaadi doonna shirkadaha ajanabiga ah ee sida sharci darrada uga hawlgala dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo maanta Warbaahinta la hadlay.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inay la xisaabtami doonaan shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, ee bilaa sharciga u jooggo Somaliya.

Waa digniintii ugu adkeyd oo Wasiirka Ganacsiga u jeediyo shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, waxaanse la garanayn sida awaamiirta ka soo baxday ay ku dhaqangeli doonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...