Monday, April 20, 2026
30.5 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sheekh Umal ‘‘Muqdisho Cid gaar ah ma leh, Cuqdad ma qabo, waana cafiyay Sh. Soomow & kuwa la qalday”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka hadlay tallaabada lagu joojiyay muxaadaradii uu Axaddii maanta u qorsheeyay in uu ku qabto Magaalada Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay kulan soo dhawayn lahaa oo galabta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in uu isagu go’aansaday tallaabada lagu joojiyay muxaadarada.

Sheekh Umal ayaa wuxuu tani ku macneeyay, isagoo diidanaa in wax dhiig ah uu ku daato qabashada muxaadarada, oo ujeedkeedu uu ahaa in uu ugu nasteexeeyo Madaxda Soomaalida.

Isagoona tilmaamay in Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu qaatay in uu jeediyo muxaadarada uu ugu nasteexeenaayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Sheekh Umal ayaa ku celceliyay in uu gebi ahaanba uu ka tanaasulay jeedinta muxaadaradaasi, isla-markaana aanu dalka u baahnayn mucaarad iyo is qabqabsi dambe.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sheekh Umal oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...