Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Somaliya ee ‘DANAB’ oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Taliya ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa Ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimadda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal, Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankaan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka cadowga baneystay dhiiga shacabka.

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan si dalka looga xureeyo maleeshiyada Al-shabaab, wuxuuna dowladda Turkiga uu uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso ciidanka Qaranka.

Ugu dambeyn, DF Soomaaliya oo taageero ka heleysa dhiggeeda Turkiga ayaa waddo dadaallo dib loogu soo celinayo awooddii ciidanka xoogga, si dalka looga cirib tiro maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...