Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu maalinta berri oo Axad ah si rasmi ah xilka ula wareegaayo si uu u dardargaliyo howlaha horyaalla xafiiskiisa.
Waxaa socda diyaargarowga munaasabadda xil wareejinta, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Dood ayaa ka dhalatay cida uu xilka kala wareegi doono ra’iiusul wasaaraha cusub iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uu soo jeediyay in uu xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha cusub , halka ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu sheegayo in uu ahaa Ra’iisul wasaare ku meelgaarka ah.
Mahdi Guuleed ayaa dhowaan magacaabay Guddi Wasiirro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana durba soo baxayay in cida xilka wareejineyso inuu yahay Mahdi Guuleed.
Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Ra‘iisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.
Isku soo wada-duub, waxaa si rasmi loo ogaan doonaa maalinta berri ah sida ay xaaladu noqoto, waxaana wararku ay sheegayaan inay u badan tahay in R/wasaarihii hore Kheyre uu ku wareejiyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha cusub Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





