Thursday, January 22, 2026
24.6 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab ka soo furtay 40 carruur ah oo ay Afduubteen

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab kasoo Furtay Carruur ay tabarayaayeen, sidda lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka.

Ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Tuulada Nuunaay oo hoostagta Bariire ayaa ciidanku si gaar ah howlgalka uga sameeyeen, waxaana howlgalka ciidanku ku dileen 16 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu xusay warka aksoo baxay taliska Ciidanka.

Taliyaha Ururka 143-aad ee guutada 14 October, Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Caruurta gaareysa 40 oo Al-Shabaab ka soo qafaashay gobollada dalka qaarkood inay ka soo badbaadiyeen deegaankaas, isla markaana haatan ay ku jiraan gacanta ciidanka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay taliyaha in carruurtaasi loo diyaarinaayay qaraxyada iyo sidoo kale weerarada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...