
Gaalkacyo (Halqaran.com) – G/sare Jaamac Maxamed Axmed, taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa eedayn kulul u jeediyay ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Mudug oo uu sheegay in ay shalay weerar ku qaadeen Maxkamadda magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xoog kula baxeen maxaabiis ku eedaysan in ay Khamriga ka ganacsadaan oo Maxkamaddu xukuntay.
Taliyaha ayaa sheegay, in ciidan hubaysan oo Daraawiishta Puntland iyo malayshiyo beeleed ka kooban ay weerar ku qaadeen xarunta Maxkamadda degmada Gaalkacyo oo markaasi xukuntay laba eedaysane oo lagu helay ka ganacsiga Khamriga, kadibna ay gudaha Maxkamadda xoog ugala baxeen labadii xukmane.
G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in Booliiska magaalada Gaalkacyo ay weerarkaasi ku qabteen, mid kamid ah ciidankii Daraawiishta Puntland ee xoogga ku soo galay Maxkamadda, balse aan lagu guulaysan in la soo qabto labadii xukmane ee ciidankaasi kala baxeen gudaha Maxkamadda.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb ka yihiin Khamriga iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.
Waxa kale oo uu caddeeyay, in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
DAAWO VIDEO: ‘‘Xisbiga Waddani waxaa ku jira raggii ugu musuqa badnaa Somaliland‘‘ waxa yiri…
XOG: DF Somaliya oo looga digay inuu dhiig ku daato dhismaha maamulka Galmudug (Maxa cusub)?
5 qof Soomaali ah oo ku dhimatay Dab xooggan oo ka kacay dhisme ku yaalla dalka Mareykanka
Sawiro-Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo Baydhabo Soo gaarey
XOG + AKHRISO: Toddobo qodob oo hor-taagan in doorasho qof iyo cod ka dhacdo Soomaaliya
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





