Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

SAWIRRO: Madaxweyne Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Safiirka Denmark ee Soomaaliya

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku joogga Magaalada Nairobi ayaa waxa xalay kula kulmay Safiirka Denmark ee u fadhiya dalalka Somaliya, Kenya, Eritrea iyo Jaziiradda Seychelles, marwo Mette Knudsen.

Axmed Madoobe oo arrimo kala duwan kala hadlay Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu warbixin ka siiyay Doorashooyinkii Jubbaland ka dhacay iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa Safiirka la wadaagay aragtida Maamulka Jubbaland ee kaga aadan Doorashooyinka Dalka ee lagu wado inay dhacaan 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorashooyinkaasi ku qabsoomi karaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu tilmaamay in doorasho hufan oo dalka ka dhacda ay ku imaan karto, heshiis siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Mette Knudsen ay Madaxweynaha Jubbaland u sheegtay in danta Somaliya iyo midda caalamkuba ay ku jirto wada shaqayn dhex marta Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, taasoo ah bay tiri midda lagu gaari karo horumarka dalka, loogana adkaan karo argagixisada.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa waxaa uu Dowladda Denmark kaga mahadceliyay mashaariicda horumarineed, ee ay ka wado Jubbaland, oo ay ugu horeyso mashruuca kalluumeysiga oo Hay’adda DRC ay wax badan ka qabatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...