Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

XOG: DF Somaliya oo looga digay inuu dhiig ku daato dhismaha maamulka Galmudug (Maxa cusub)?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Mamulka Galmudug Cismaan Dheere oo la hadley Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya hadii ay  dooneyso in ay ka guul keento Galmudug ay raacdo Qawaaniinta iyo xeerarka u yaala dadka Galmudug.

Cismaan Dheere, ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo Nidaam islamarkaana la yaqaano qaabkii loo doortey Isagoo sheegay in mihiimadu ay tahay in nidaamkii galmudug lagu dhisey in la xaq-dhowro lana ilaaliyo Nidaamkii 11 beelood ay wax ku qeybsanayeen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in habraaca doorashadda loo maraayo ay ahaato mid cad oo la fahmi karo, taas oo aan mugdi ku jirin isagoo tilmaamey in haddii intaas la helo la heli doono maamul mideysan.

Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Mamulka Galmudug dhanka kale waxa uu sheegay in guddiga farsmadda aysan shaqo ku laheyn habraaca loo dooranayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...