Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya, in ciidamada Puntland ay halkaasi ku qabteen xubno lagu tuhmayo inay ka mid yihiin ururuka Daacish.
Qoraal ka soo baxay Taliska PSF, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno lagu tuhmaayo, in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasi oo haatan baaritaan lagu hayo.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay, in ciidanku ay labadii habeen ee la soo dhaafay hawlgallo ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso, si looga hortago weerarada kooxaha Argagixisada ah.
Taliska PSF, waxay sheegeen in hawlgalladaas oo lagu beegsanayo Daacish iyo Al-Shabaab ay weli ka socdaan xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, si loo xaqiijiyo Amniga magaalada.
Ugu dambeyn, waxay u mahadceliyeen shacabka ku nool Boosaaso oo sida ay sheegeen ku garab siiyay helidda macluumaadka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






