Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines oo joojisay duulimaadyadii Soomaaliya (Maxaa cusub?)

Istanbul (Halqaran.com) – Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaar ahi ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay caabuqa Coronavirus.

Amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, si lagula dagaalamo faafitaanka Coronavirus.

Xanibaadda ay soo rogtay Xukuumadda Soomaaliya oo shan iyo toban cisho qaadan doonto ayaa lagu wadaa inay dhaqangasho habeenka Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka bishan.

Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa war qoraala oo xalay ka soo baxay ku sheegtay in duulimaadyadii Turkish Airlines ee Magaalada Muqdisho hakad la gelin doono muddo shan iyo toban maalmood ah, ayna bilaaban doonto, ka dib marka ay saaka duulimaadkii ugu dambeeyay uga amba-baxdo Magaalada Muqdisho, iyadoona rakaabka gayn doonto Magaalada Istanbul.

“Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, Dowladda Federaalkana waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan duulimaadyada bani’aadanimada, laga bilaabo maalinta Arbacada ee 18-ka March.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda.

Warka ayaa lagu yiri “Turkish Airlines waxay hakineysaa duulimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, duulimaadkii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyayna waxaa lagu taggayaa Istanbul, subaxnimada March 17.”

Turkish Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii ugu horeysay oo caalami ah, oo u hoggaansanta awaamiirtii ay Dowladda Somaliya ku xanibtay dhammaanba duulimaadyadii dibadda ka imaanayay.

Cudurka COVID19 oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, kuwaa oo qaarkood soo saaray amaro lagu joojinayo duulimaadyadii caalamka oo dhan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...