Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Afar ruux oo kale oo maanta lagu karantiilay magaalada Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ee Muqdisho /Sawir hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Talaadadii Maanta kasoo dagay Afar Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay Cudurka Coronavirus.

Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen Askar Leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxana ay saarnaayeen Diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

Xubno ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahaan howlo Shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay, iyada oo la soo sheeayo in Afarta Ruux la karantiilay.

Wararka ayaa sheegaya, in afartan ruux maalmo lagu heyn doono meelo gaar ah oo Garoonka ku yaalla si loo hubiyo Caafimaadkooda, maadaama ay ka yimaadeen dal uu si weyn uga dilaacey Caabuqa Coronavirus.

Waxay aheyd Isniintii shalay, kadib markii Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisey in mid ka mid ah Afar ruux oo ka yimid dalka Shiinaha dhawaan laga helay baaritaano lagu sameeyey cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...