Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

AKHRI: War-mutiyeedka ka soo baxay Shirkii Wadatashiga ee Puntland & 11 Qodob oo laga soo…

Garowe (Halqaran.com) – Shirka Wadatashiga Puntland oo mudda saddex maalmood ah ka socday magaalada Garowe ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ku wajahan Arrimaha gudaha Puntland iyo sidoo kale guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirka, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wadatashiya ku casuuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

Dhinaca kale Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland.

Laakiin war-murtiyeedka faahfaahin loogama bixin wakhtiga Shirkaasi dhacayo, halka lagu qaban doono iyo cidda lagu casumay midkoodna.

Ugu dambeyn, war-murtiyeedka ayaa dowlad goboleedka Puntland ugu baaqay in la dardar geliyo barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland, islamarkaana si dhakhso ah loo dhiso maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aanno ka gaari karta, haddii khiaaf Dastuuriya yimaado.

Halkan ka akhriso War-muritiyeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.con
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...