Friday, August 14, 2026
24.4 C
Mogadishu

Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Galmudug oo gudaha uga galay deegaanka Baxdo +(SAWIRRO)

Galgaduud (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, iyagoona xalay illaa saaka hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay.

Labada ciidan ayuu ujeedkoodu ahaa in ay hawlgalada kaga hortaggaan kooxaha lagu eedeeyo inay dadka dhibaateeyaan, xilliyada qaarkood.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in labada ciidan oo gaadiidka dagaalka wata ay yimaadeen deegaankaasi, isla-markaana ay ka sameeyeen hawlgalo amniga lagu suggayo.

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska ayaan wax war ahi ka soo saarin hawlgaladooda Deegaanka Baxdo, waa haddii ay dad ku soo qab qabteen iyo haddii kalaba.

Si kastaba, maamulka Galmudug ayaan si rasmiya uga hawlgelin Deegaanka Baxdo, balse waxaa xilliyada qaarkood si kedis ah ku tagga xoogaga amniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...