Gedo (Halqaran.com) – Markii ugu horreysay ayaa waxaa la xiray xuduudaha Gobolka Gedo uu la wadaago dalalka Itoobiya iyo Kenya, sababo la xiriira baqdinta ka dhalatay faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo ah ku-simaha guddoomiyaha maamulka Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in ay xireen xuduudahaasi, si aynaan dadka uga soo gudbin.
Ku-simaha guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay inay amar ku bixiyeen in xuduuda Gobolka Gedo uu Kenya kala wadaago Degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq la xiro.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhanka Itoobiya ay ka xireen xuduuda Degmada Doolow ay la wadaagto Doolow Itoobiya, sida uu yiri.
Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in ay fulinayan amarkii hore uga soo baxay Dowladda Federaalka Somaliya, ee la xiriiray hakadkii la geliyay safarada dadka ka imaanaya dibadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






