Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa sii badanaya walaaca ku aadan faafitaanka Cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo la xaqiijiyay kiisas ka mid cudurkaasi in laga dhex helay bulshada deegaanka ku ah magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay dad uu garanaayo inay u dhinteen Covid-19 gudaha Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay dadkaasi qaarkood in la aasay, halka qaar kalena weli aan la aasin, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in aan la dhayalsan cudurkan oo halistiisa leh.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan farriimaha Caafimaad ee la siinaayo si ay isaga illaaliyaan xanuunkan in uu bulshada ku dhex faafo.
Duqa Muqdisho oo maanta ka hadlayay wadada General Daa’uud oo uu dhagax dhigay ayaa wuxuu yiri “Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku inaanay ka warqabin, cudurkaas waa soo gaaray, dad badan ayaa u il daran, qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo. Qaaraa anigu aan garanayo dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay, oo qaar la aasay, qaarna hadda aan weli la aasin.”
“Arrintaas marka waa arrin halis ah, si fududna loo kala qaadi karo, sidaa darteed macluumaadka iyo talooyinka la idin siinayo oo dhakhaatiirta iyo Warbaahinta ay bixinayan waa in sida uu yahay loo qaato. Haddii meel walba la idinkaga fududeeyay inaad tiraahdeen waa been, waxba kama jiraan, taasu waxaa waaye niyad jab. Waa dhab waa jiraa. Ma jiraan wax aan idinkaga sasabaneyno inaan been idin sheegno.”
Kiiskii ugu horeeyay oo muwaadin Soomaaliyeed, dalkana aan ka bixin ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay Covid-19 shalay oo Arbaco aheyd, sida Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay.
Soomaaliya ayaan laheyn daryeel wanaagsan oo dhanka caafimaadka, walaaca ugu badana wuxuu ka taagan yahay, sidii muwaadiininta Soomaaliyeed ay ku heli lahaayen adeeg caafimaad oo tayo leh.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com














