Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo baadi-goobaysa dadkii uu la kulmay bukaankii u dhintan Fayraska Corona (COVID-19)

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baadigoobeysa dadkii uu la kulmay Bukaankii 58 sano jirka ahaa ee shalay Covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa ay ku guda jiraan baaritaanka shaqsiyaadka la tuhmaayo inay la kulmaan ninkaasi geeriyooday si loo karantiilo.

Dr. Jalaaludiin oo ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay wali inuu socdo Baadigoobka dadkii uu la kulmay Bukaanka.

Xaalad aan wanaagsaneyn ayaa ka jirta magaalada Muqdisho, maadaama ay sii kordheyso walaaca Bulshada ay qabaan ee ku aadan Cudurka Coronavirus.

Durba iyadoo aan Isbitaal Martiini la dhigin Bukaano badan ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxaa laga dayrinaysaa inaysan haynin qalabka Oxgyenka ah ee Bukaanada neef qabatinka ku dhacdo loo xiro.

Ugu dambeyn, dhaqaatiir badan ayaa ka digaya in si wayn xanuunkaan uu u faafo, maadaama ka hortagga Bulshada dhexdeeda iyo wacyigelintuba aad u yar tahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...