Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Wafdigaan waxaa kaloo ka mid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.
Kulankan ayaa maamulka Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.
Waxaa looga hadlay Kulankan hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.
Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka doorashooyinka Jubbaland.
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com