Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Beesha caalamka oo qodobbo culus hor-dhigtay M/weynaha Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo ka horyimid,Sawiro

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Wafdigaan waxaa kaloo ka mid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan ayaa maamulka Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Waxaa looga hadlay Kulankan hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka doorashooyinka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...