Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegay in uu fashilmay Muuse Biixi & Cirrana dalab u dirsaday

Hargeysa (Halqaran.com) – Saleebaan Cali Koore, oo wasiirka tamarta iyo biyaha maamulka Somaliland oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ku fashilantay wax ka qabashada colaadaha ka jira degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegaya in dhibaatooyinka ka jira degmadaasi ay soo jiitamayeen muddo 5 sano ah, balse ay haatan ka sii dareyso xaaladda.

Wuxuu xusay, wasiirku, in muxaafad iyo mucaarad loo baahan yahay in loo istaago, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyiinkaasi.

Wasiirka Koore ayaa si gaar ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uga dalbaday inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhameynayo colaadaha ka taagan degmada Ceel-Afweyne.

Muddooyinkii dambe waxaa sii xoogeysanayay xiisadaha ka taagay degamada Ceel-Afweyn ka dib markii dhawaan lagu dilay in ka badan 7 ruux oo shaca ah.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...