Wednesday, June 3, 2026
26.8 C
Mogadishu

Baarlamaanka Jubbaland oo u codeeyay codsi uga yimid madaxweyne Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) –  Waxaa magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Khamiistii maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland, kaas oo ay cod uga qaadayeen codsi uga yimid Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyad leh waxaa ay ku ansixiyeen codsiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ahaa inay muddo kordhin ugu sameeyaan xilliga uu ku soo dhisayo Golahiisa wasiirada Cusub.

Dhammaan Xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...