Wednesday, June 3, 2026
26.8 C
Mogadishu

Sheekh Shaakir iyo xubno kale Ahlu Sunna oo gaaray Magaalada Garowe

Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Khamiistii maanta gaaray Masuuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xubnahan ayaa ka yimid Magaalada Dhuusamareeb oo safar dhulka uga soo baxeen shalay, waxaana xalay ay ku hooydeen Magaalada Gaalkacyo oo saaka ay ka baxeen.

Magaalada Garowe waxaa horay u joogay Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo degan Hotelka Martisoor ee Magaalada Garowe.

Markii ay maanta gaareen masuuliyiintaan Magaalada Garowe ayaa la geeyay Hotelka Martisoor, halkaasi oo waqti nasiino ay ku qaadanayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada dhabta ah ee madaxda Ahlu Sunna ay u wada tageen Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...