Wednesday, June 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

Qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo lagu arkay dalka Koonfur Afrika

South Africa (Halqaran.com) – Qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Coronavirus ayaa lagu arkay dalka Koonfur Afrika, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka.

Wasiirka wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in la xaqiijiyay subaxnimadii saaka in qofkaas uu qabo cudurka Corona.

Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.

Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.

Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...