Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Axmed Madoobe oo soo saaraya Liiska Musharraxiinta Aqalka sare ee Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharraxiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharraxiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharraxiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo Maamulkii ugu horeeyay ee dowlad Goboleedyada ka jira dalka ee qabta doorashada Aqalka Sare sanadkan 2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...