Friday, October 23, 2026
26.9 C
Mogadishu

Amarro laga soo saaray nabad gelyada magaalada Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Kulan ay isku yimaadeen maamulka gabolka Bari oo u shir guddoominayay gudoomiyaha gabolka Abdirsaaq Saciid ali (Shaahdoon) oo muddo labbo maalmood ah socanayay ayaa laga soo saaray qoddobo muhiim ah.

Qodobadaas ayaa taabanaya amniga guud ahaan gabolka iyo degmada waxaana ay diiradda saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka iyo nabad-gelyadda xarunta gobolka Bari.

Amaradda kulankan laga soo saaray waxaa kamid ahaa in ciidamadda amaanka ay ilaaliyaan mas’uuliyadda oo aysan abuurin isku-dhacyo ciidamada dhexdooda ah.

Dhawaqan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan magaaladda Boosaaso ay ka dhacday shaqaaqo ay ku dhinteen dad rayid oo dhexmartay ciidama PSF iyo PMPF ee booliska badda Puntland.

Tacshiiradaas ayaa waxay ka dhallatay safarkii aysan dowladda Puntland ka war hayn ee guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar, ay ku tagtey Boosaaso.

Awaamiita kale ee laga soo saaray kulanka Boosaaso waxaa kamid ahaa xakamaynta hubka sharci-darada, la dagaalanka khamriga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah. 

Ugu dambeyn, maamulka gabolka Bari ayaa balanqaaday in ay gacan-bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo khalkhal galisa amniga waxayna intaas ku dareen in laga feejigan yahay dhagarta argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo si dhuumaaleysi ah ku shaqeysta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...