Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo 23 sano xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku noolyihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, ayaa iminka ku dhawaaqay waqtiga uu xilka ka degayo.
Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa ayaa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.
Balse dadka ka soo horjeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.
Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.
Waxay tani ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





