Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

AKHRISO: War-murtiyeedka Shirkii Madaxda Galmudug iyo Puntland & Qodobbadii ka soo baxay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo shir muddo labo maalin ah uga socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen iskaashi la xiriira dhinaca amniga.

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in labada maamul ay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta Midnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaamka Federaalka.

Waxay kaloo isku raaceen, dhinaca Amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si gaar ah amniga deegaannada Gobolka Mudug oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka fuliyaan Al-Shabaab.

Galmudug iyo Puntland oo wada maamulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, iyada oo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland AUN Axmed Muuse Nuur Yare.

Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...