Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ciidanka kumaandooska DANAB oo deegaano hor-leh kala wareegay Al-Shabaab

J/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB, ayaa lagu soo warramayaa in ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa laga soo xigtay  in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe oo dhammaantood ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa sii socda, isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka.

Inkastoo Âl-Shabaab laga qabsaday deegaanno kala duwan haddana wali waxa ay leeyihiin awooda dagaal ay kula galaan Ciidamada kala duwan ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Awooda ugu badan ee Kooxda waxa ay isugu tagtay Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Muddooyinkii dambe ciidamada Danab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo kala duwan waxa ay ka wadeen deegaano iyo Degnooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...