Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ‘Saciid Deni’ oo isbeddel ku sameeyay Maxkamadda Sare ee Ciidamada

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Madaxweynaha dowladda Puntland:

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Goddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

2. Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

3. Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

4. Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

5. Waxaa G/le Siciid Aadan Siciid loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool

6. Waxaa G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

7. Waxaa Dhemme Cawil Warsame Maxamed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

8. Waxaa Dhemme Cabdiweli Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

9. Waxaa G/le Cabdi Faarax Cali loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

10. Waxaa G/le Ibraahim Bile Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

11. Waxaa Dhemme Maxamed Xuseen Axmed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu

12. Waxaa Dhemme Cali Ibraahim Cismaan loo magacaabay Garooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

13. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

14. Waxaa G/le Sahal Cabdi Cartan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...