Monday, June 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

M/weynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta la filayo inay soo gaaraan Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay helayso warbaahinta Halqaran News ayaa sheegaya, in Axadda maanta ah la filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kaddib wafdi horudhac ah oo shalay soo gaaray Caasimadda.

Cadaadis kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ay saareen madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa inay sabab u tahay imaanshaha safarkooda Magaalada Muqdisho, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashada.

Ciidamo gaar ah oo illaalo u noqon doona Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa shalay galab waxa ay soo gaareen Muqdisho, waxaana Ciidankaasi la socday xubno ka mid Prorocalka Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sida la sheegay waxa ay shir la yeelan doonaan Madaxweynaha JF Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo sida la sheegay la dhammaystiri doono arrimo la xariira doorashooyinka dalka iyo sidoo kale waxyaabo quseeya siyaasadda.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb3 ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana ay qaaddaceen qodobadii kasoo baxay shirkaasi, iyagoo sheegay in aan loo dhammeyn, inkastoo shirka ay Garoowe ay ku yeesheen ay kasoo saareen war-murtiyeed ay wada hadal ku dalbadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...