Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda waxbarashada XF ah ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay waqtiga ay Wasaaradda ay shaacin doonto natiijada imtixaankii ay qaaday Wasaaradda.
Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay inay socoo qiimeynta ardaydii sanadkaan ka qeyb gashay imtixaanka, sidoo kale ay socdaan howlihii sixitaanka imtixaanka si Jaamacadaha dalka galaan Arday tayo leh.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in imtixaabkii ay sanadkaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada uu ka duwanaa sandihii hore, islamarkaana uu kusoo aadaya xilli xaalad adag ay ka jirta dalka sida Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee XF Soomaaliya, Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay dagaal kula jirto ardayda fasalada qaar laga bootinayao, sida Arday ku jiray sanadkaan Fasalka labaad ee Dugsiga sare in sanadka xiga la geeynaayo fasalka Afaraad.
Goodax Barre ayaa ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan mas’uuliyiintooda, islamarkaana Shaqaalaha imtixaanka saxaya ay Wasaaradda krdhisay, sidoo kale todobaadka soo socda la shaacin doono natiijada imtixaanka.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sanadkaan 2020-ka ayaa waxaa ay imtixaan ka qaaday in kabadan 34, 600 oo arday oo ay ku jiraan 500 oo Arday oo ka yimid deegaannada Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com