Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

AKHRI +SAWIRRO: Sababta ay Jubbaland u joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya!

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golaha wasiiradu ay tacsi u Direen Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixisanimo ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir golaha Wasiiradu waxay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka, waxaana golahu uu sheegay in Hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka.

Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah,

Waxa uuna golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland dhammaan Shacabka reer Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...