Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Dhaawaca Duqa Muqdisho ‘Yariisow’ oo laga geeyay magaalada Doxa

Doxa (Halqaran.com) – Diyaarad militari oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka qaaday dhaawaca Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/radxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ayay diyaaradan ka dejisay Magaalada Doxa ee Xarunta Wadanka Qatar.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya ayaa la socday dhawaaca Duqa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho oo dhaawaciisu lagu sheegay mid culus ayaa ka dhaawacmay qaybaha kore ee jirkiisa, iyadoo dhaawaca ugu daran uu kaga yaalo dhinaca caloosha.

Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere), Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in xaaladda Duqa Muqdisho ay iminka aad u soo hagaageyso.

Dowladda Qatar ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay oo ka jawaabta baaqii Dowladda Somaliya, ee ahaa in gargaar loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay ismiidaaminta ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose Xamar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...